Raii’sul Wasaare Kheyre oo Saaxibadiisa Golaha Shacabka ku Abaal Marinaya Xilal Cusub

Reading Time: < 1 minute

Ilo ku dhaw xafiiska Raii’sul Wasaare Kheeyre aya ino sheegay in Xasan Cali Kheyre uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu faray in uu magacaabo shaqsiyaad dhawan loso gudbin doono,waxana Shaqsiyadkaasi wata Xildhibaanadii waday Mooshinka Jawaari.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa la sheegay in magacaabida Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka uu ku qancin doono Xildhibaano dhowr ah oo iyagu wata Shaqsiyaad ay isku heyb yihiin waxaana Kheyre uu abaal marin kaga dhigayaa sidaay u suurta galiyeen in Xukuumadda xafiiska ka dirto Guddoomiyihii golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanadii horkacayay Mooshinka laga keenay Jawaari wuxuu u balanqaaday in uu xilal siin doono shaqsiyaad ay wataan sidoo kale waxa la filaya in shaqsiyad ka mid ah Xildhibanadi Mooshinka waday lagu so dari dono isku shaandheynta Golaha Wasirada Xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiye Yariisow aya la shegay in uu aqbalay arinkasi uu so jediyay Kheeyre,iyado haatan ay socdaan kulamo lagu abaal marinaayo Xildhibanadii Mooshinka keenay.