Raii’sul Wasaare Kheyre oo ku takrifal Awoodeed ku Sameynaya Xilka uu Haayo

Reading Time: < 1 minute

Waxa sii Xogeysanaya wararka sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la wareegay awooda Dowladda iyo maamulka madaxtooyada Soomaaliya.

Raiisul Wsaare Kheyre aya dalka ka wada qorsho yaal siyaasadeed oo halis ku ah Xuriyada Hadalka iyo in la weeraro cid kasto oo ay Jecleystaan in la weeraro.

Ilo ku dhaw Madaxtoyada Soomaaliya aya sheegay in Xasan Cali Kheyre uu la wareegay awooda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxtooyada,islamarkaana uu ka amar sareeyo madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre aya tan iyo magacabistiisa waxa uu sameyay Weeraro kala duwan oo lagu qaaday Xildhibaano Xadaanad leh iyo Siyaasiyiin,iyado weeraradasi ay noqdeen kuwa galaafta nolosha Ciidamo ka tirsan Dowlada.