Ra’iisul Wasaare Kheyre oo heshiis halis ku ah Qaxootiga Soomaaliyeed la galay dowladda Norway.

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo bartamihii sanadkan yimid magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa dhigiisa dalkan ku kala saxiixdeen heshiis halis ku ah qaar badan oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee magangeliyada ka helay dalkan iyo qaar aan nasiib u helin inay magangeliyo la siiyo.

Sida xogta aan ku helay kadib baaritaano iyo u kuurgelid aan in mudda ahi waday heshiiska wuxuu qeyb ka yahay aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga ay dhawaan aqoonsatay dowladda Norway isla markaana dadka baasaboorka Buluuga heysta inay doontaan Baasaboorka Soomaaliga.

Heshiiskaas ujeedadiisu ay ahayd sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee magangalyada ku jooga dalka Norway, gaar ahaan kuwa la sheegay in xaalada dib u qiimeenta lagu samaynayo ee aan wali helin daganaashiyaha rasmiga ah iyo kuwa horay u waayay inay magangeliyo ka helaan dalka Norway, halka Kheyre-na oo dalabka aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga uu ka yimid, badalkeeda uu isna u saxiixay dowladda Norway inay dib u soo celiso qaxootiga Soomaaliyeed.

Xubno wasiiro ah kana tirsan xukuumada Kheyre oo magacyadooda ka gaabsaday in aan soo xigto arrimo la xirriira inay ku weyn karaan shaqooyinkooda ayaa ii xaqiijiyey jiritaanka heshiiskan, sidoo kale waxay ii sheegeen arrintan inay saameen ku yeelanayso tiro qaxooti ah kuwaasoo ay kala laaban karaan sharciyada KMG ah maadaama wali aysan helin daganaashaha dalka Norway, si la mid ah sida dhawaan ay samaysay dowladda wadanka Danmerk.

Haddaba arrinta iftiiminta u baahan ayaa waxay tahay iyadoo aan ognahay in xaalada Amaan iyo mida siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ay tahay mid halis ah adduunkana uu arko maalin walba waxa laga soo warinayo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo badi dadka aan wali daganaashiyaha qaadan ee sharciyada KMG loo cubooneesiiyey ka soo jeedaan, sababaha keeni karta inay madaxda dalka oo intooda badan ah dad qurbaha ka tagay inay danahooda shaqsi siyaasadeed iyagoo eeganaya inay qeyb ka noqdaan dhibaateynta Soomaalida Qaxootiga ah oo runtii dhibaatooyinkii ku kaliftay inay adduunka magangeliyo u yimaadaan wali taagan tahay in haddana halkan looga daba yimaado iyadoo dano siyaasadeed loo burburinayo mustaqbalka kumanaan Soomaali ah.

Iga filo xogo kale oo la xirriira heshiisyada qarsoon iyo kuwa aan qarsooneen ee dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay wadamada Yurub lana xarriira arrimaha qaxootiga ah.

W/Diyaariyey: Anigoo ah Salaad Xuseen Maxamuud (Salaad Daacad).
Oslo Norway.