Xili Xukumada Kheyre ay ku mashquul santahay Mooshino iyo howlo an dalka iyo danta dalka dan ugu jirin waxa dalka ka socda dhibatoyin ka dhaca dalka, Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato dhibaatadda dowladda Kenya ay ku heyso shacabka ku sugan degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.
Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya aysan waxba ka qaban faragelinta dowladda Kenya ay ka waddo degmada Baledxaawo.
Waxaa uu sheegay in hanti boobka lagu haayo dadka kunool Baledxaawo ay indhaha ka qarsatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Fartaag ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in marnaba aysan xukuumada ka hadlin faragelinta dowladda Kenya ee Baledxaawo.
Dowlada kenya aya dhul balaarsi xoogan ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Gedo Iyado magaalada Balad-Xaawo ay waxyeelo ku gaarsinayan dadka halkasi ku dhaqan oo ka diidan sida dulanka ah ee ay kuso galeyn dhulka soomaaliya.