Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari xaaqiqatan waa halyeey garanaya sida leysku difaaco kadib weerarki an laga fiirsan ee Xukuumada Raiisul Wasaare Kheeyre ku qaaday Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari oo siyaasada wax badan ka fahan san aya dajiyay qorsho lagu difaaco Golaha shacabka oo matala Umada Somaaliyeed waxana uu ku guleystay weerarka Kheeyre in uu Fashiliyo.
Inkasto Madaxweyne Farmaajo uu so faragaliyay Fashilka ku dhici laha Kheeyre madama uu saakay baajiyay kulankii golaha shacabka isugu iman laha si howlihiisa uu uwato.
Raiisul Wasaare Kheeyre oo u muuqda mid xaalad xun ku jira ayu faray Madaxweyne Farmaajo oo kolkii hore ku dhuumaleysanayay Xarunta gaashaandhiga in uu kala diro golaha shacabka ee manta kulanka ku laha muqdisho iyado xaalkii uu muuqdo”NIN DAAD QAADAY XUNBO CUKSAY”.
Warar hoose oo an ka heleyno aya shegaya in kulamo kala duwan ay wadan Madaxweyne Farmaajo Iyo Raiisul Wasaare Kheeyre iyago doonaya in Xildhibnaano kala duwan laga dhaadhiciyo in ay qaatan qorshaha uu kheeyre wado si Goalaha shacabka logu gacan galiyo Xukuumadiisa.
Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaya dhaliisha lo jeediyo Maamulka Kheeyre aya donaya in an lagula xisaabtamin maadama ay goluhu doonayan in ay la xisaabtaman qaladaadka iyo fashilka amniga iyo boobka hantida shacabka in ay kala xisaab tamaan.