Raii’sul Wasaare Kheeyre oo Lacag Xoogan Siiyay C.Raxman C.Shakuur,Amrayna in Dalka uu ka baxo

Reading Time: < 1 minute

Xilli Malintii Shalay uu Siyaasiga C.raxman C.shakuur Warsame uu Bartiisa so dhigay Sawir uu ku muujinayay in laga qaaday xayirada Safarada madama uu ku sugna Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho isago xiligaasi ukici tamayay Dalka Kenya.

Wararka aya shegaya in Safarka Siyaasiga uu ka danbeyey Xasan Cali Kheyre Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya ka dib markii odayal laba reer ay ka wada fadhiisten wixi Dhacay 17-kii December sanadkii hore.

Raii’sul Wasaare Kheyre aya la shegay in uu dalka ka diray Siyaasiga isaga oo faray in uu dalka ka dhoofo oo uu ka baxo,waxaana la shegay in Xasan Cali Kheyre uu Siyaasiga siiyay Lacag xoogan iyado uu siyaasiga sidaasi ugu danbeyn dalka kaga dhoofay.

Siyaasiga aya hada ku sugan Dalka Kenya oo uu shalay Gaaray iyado halkaasi uu ku sugnaan doono.