Abiy Axmed Cali Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya ayaa Maanta lagu wadaa inuu booqasho ku tago Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Abiy oo dhawaan loo doortay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi ayaa beddelaya Hailemariam Desalegn, oo xilkaasi iska casilay markii ay Dalka Itoobiya hareeyeen mudaharaadyo rabshada wata oo ay hoggaaminayeen Qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada.
Magaalada Jigjiga ayuu kulamo kula yeelan doono masuuliyiinta ismaamulka Soomaalida, hoggaanka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo la filayo in kulamadasi diiradda lagu saaro shaqaaqooyinkii Gacan ka hadalka sababay ee dhex maray Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada Dalkaasi
Abiy Axmed Cali ayaa sidoo kale booqasho ku tagi doono degaannada kale ee Itoobiya ka kooban tahay inta uusan soo dhisin Golahiisa Wasiirrada, isagoo Qoomiyad walba lagu wado inuu la kulmo hoggaankeeda siyaasadda iyo kan dhaqanka.