Ragii dilay Gud. Cabdixakiin Dhegajuun oo maanta maxkamad la hor keenay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabatay maxkamadeynta rag loo heysto dilka guddoomiyihii hore degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun oo bilowgiis sanadkan degmada Howlwadaag lagu toogtay goor habeen ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah bilaawday dhageysiga dacwadda lagu soo oogay ragga ku eedeysan dilkii Marxuum Dhegajuun.

Goobta ay bilaabatay Maxkamadeyntu waxaa ku sugan saraakiisha sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, rag loo heysto dilka, ehellada labada dhinac iyo dad kale oo ka qeyb galaya fadhiga Maxkamadda.

21-kii Janaayo 2021, goor habeen ah ayaa Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun oo xilligaas ahaa guddoomiyihii degmada Hodan waxaa lagu dilay meel aan ka dheereyn isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku fureen gaari ay la socdeen isaga iyo ilaaladiisa, waxaana dilkiisa kadib xabsiga loo taxaabay xubno isagu jira askar iyo saraakiil ciidan oo aaggaas ka howlgelayey.