Raggii dilay Caa’isha oo markale dil lagu xukumay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa saaka markale xukun dil ah ku riday 3 eedeysane oo loo heystay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo 12 jir aheyd.

Saddexda eedeysane ee la xukumay ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Sidoo kale saddexda qof ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa labo ka mid ah waxa ay yihiin Walaalo.

Qareennada difaacayay eedaysanayaasha ayaa horay rafcaan uga soo qaadatay xukunkii hore, waxaana ay dawacdda u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya xukunnada ay ridaan maxkamadaha heer gobol.

Maxkamadda racfaanka ayaan xukunkan ku raacday tan darajada koowaad ee gobolka Nugaal, taas oo horay dil toogasho ah ugu xukuntay raggaasi.

Kiiskan oo marar badan dib u dhacay, ayaa loo soo xiray 10 qof, balse waxaa la sii daayay 7 ka mid ah, kadib markii lagu waayey wax dambi ah, halka 3-da kale uu maanta ku dhacay xukunkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda racfaanka, kaas oo ah dil.

Caa’isho oo Meyd ah ayaa bishii February ayaa iyada oo Meyd ah, la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay Gaalkacyo, kadib markii la’iskuugu daray kufsi iyo dil intaba.