Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya gobalka Gedo, Ciidanka Amniga Gobolka ayaa habeeno ka hor qabtay nin lagu sheegay inuu ku shaqeynayay Mooto Bajaaj iyo labo nin oo kale, kuwaas oo loo qabtay tuhunka ah in ay wax ka ogaayeen Qaraxii Sariirtiisa loogu xiray Taliyihii Ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka, kaas oo fariisinkiisu ahaa magaalada Baladxaawo.
Taliska NISA ee gobalka ayaa aasay, isla markiiba ninka, laakiin dadka deegaanka ayaa dib usoo saaray maanta waxaana ka muuqday jirdil xoog leh.
Howlwadeenada Maxkamadaha Milateriga ayaa tuhmanayaasha u gudbiyey magaalada Doolow, si loogu qaado Muqdisho, balse sida la xaqiijinayo Mooto Bajaajlihii la tuhmayey ayaa ku dhintay gacanta Hay’adaha dawladda, waxaana loo diwaangaliyey in u dhintay “Biyo latiinbiyey” si xog looga helo.
Ilo wareedyo Hay’addaha Amniga DFS ayaa sheegaya in ninka dhintay, la aaminsanaa in uu wax badan ka ogaa qaraxyadii lagu dilay Taliyayaashi Bakaal iyo Ma’ed Aweys.