Rag Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Toogtay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa toogtay labo ruux oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ka dib Iska horimaad ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Labadda Ruux ayaa la sheegay in ay wateen gaari Caasi ah, islamarkaana ay rasaas ku fureen gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

Ciidamada Ammaanka ayaa intaasi ka dib ay u suurtagashay in ay dilaan raggii Xabaddaha ku furay oo Shabaab ka tirsanaa Sidda ay Xaqiijiyeen Saraakiisha Ammaanka.

Ciidamada iyo ragga hubeysan ayaa kulmay xilli Ciidamada Ammaanka ay  ka wadeen howlgal roondo ah Xaafadda Carte oo Suuqa Xoolaha ka tirsan.