Rag hubaysan oo weerar ka fuliyay Magaalada Boosaaso iyo xaalada oo kacsan

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Dowlad goboleedka Puntland.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Askar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ay rasaas ku fureen xilli ay marayeen Isgoyska Nedko ee magaalada Bosaaso.

Weerarka ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegeen in uu  ku geeriyooday hal askari laba kalena ay ku dhaawacmeen,isla markaana dadkii ka dambeeyey falkaas ay goobta ka baxsadeen.

Weli lama oga dadka ka dambeeyey weerarkaas,hayeeshee wararka aan saakay aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha Magaaladaas,iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyey weerarkaas.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada Maamulka Puntland oo inta badan ka dhacaan falalka Ami darro,isla markaana ay mas’uuliyadooda ay sheegtaan & Kooxda Daacish.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!