Raali galinta Qoor Qoor ma mid qabiil baa? mise waa mid uu Farmaajo ku taageerayo

Reading Time: < 1 minute

Axmed Cabdikaariye Qoorqoor oo socdaal ku tagay magaalada Baydhabo ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed raali galin ka siiyay tabashada arrimaha doorashada.

Waxaa dad badan isweydiinayaa raaligalintaan ma mid uu ka raali galinaya reer Koonfur Galbeed gafka ay ka tirsanaya beesha Habargedir ee uu hogaanka u hayo Roobble, mise waa mid uu ku taageerayo danaha Farmaajo. 

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay inuu Koonfur Galbeed u tagay sidii uu xal ugu raadin lahaa sidii maamulka Koonfur Galbeed uu ugusoo noqon lahaa geeddi socodka dhameystirka arrimaha doorashada.

Qoor Qoor oo ah shaqsi aan lahaynin mowqif syaasadeed oo isaga u gaara ayaa  u muuqda in uu wali marmarsiyo u raadinayo Fahad Yaasin si loogu xalaaleeyo kursigiisa.

Qoorqoor ayaa ku ammaanay madaxweyne Lafta gareen inuu door muhiim ah kasoo qaatay xalkii loo raadinayay doorashooyinka Soomaaliya islamarkaana , wuxuu heegay inuusan marnaba caqabad ku noqon xal kasta oo laga gaaro qabsoomida doorashada.

“Maanta waxaan joognaa heer doorashadu gabagabo tahay, ma jirto state laga socon karo, ma jiro reer laga socon karo. Doorasho wax la isku darsaday oo wadar ogol lagu keenay, tanaasul iyo walaaltinimo ku timid baa meeshaas wax ku yimaadeen, taas ayay wax ku soconaysaa” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Safarka Qoor qoor ayaa kusoo aaday xilli maamulka Koonfur Galbeed iyo xildhibaannada lagasoo doortay deegaankaas ay ku jiraan wadatashi ku saabsan arrimaha doorashada  iyo kuraasta la hakiya.