Xassan cali kheeyre R/wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer la shaaciyay in uu u Safraayo Dalka isku Tagga Imaaraat-ka Carabta halkaasi oo uu ka casuuman yahay Hase’yeeshee shaacintaasi waxaa ay noqotay been iyo bar kuma taal
Wararkii ugu Dambeeyay ee nasoo gaaray ayaa waxaa ay sheegayaan in dib loo dhigay Socdaal R/wasaare Xassan cali kheeyre ku tagi lahaa Dalka Imaaraat-ka waxeeyna u muuqataa in Fahad yaasiin uu ku guuleeystay baajinta Kheeyre
Socdaalka R/wasaaraha ayaa waxaa uu khilaaf ka dhex dhaliyay Madaxtooyadda iyadoo isku khilaaftay Socdaalkaasi,waxaa la ogsoon yahay in Madaxtooyadda ay ku sugan yihiin Shaqsiyaad taageersan siyaasadda qadar kuwaasi oo xoogga saaraya in uusan kheeyre u socdaalin Imaaaraat-ka
Waa markii 4-aad Ee R/wasaare Xassan Cali kheeyre ka baaqdo safar la shaaciyay waxeeyna tani xaqiijineeysaa in uu dhab yahay Khilaafka lagasoo Wariyay Villa Soomaaliya