RW ku xigeenka  Soomaaliya oo banaanka keenay aragti ay wada aaminsan yihiin Kheyre iyo Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Mahad Maxamed Guulleed (Khadar ) oo ah R/wasaare ku xigeenka Xukumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu si cad u sheegay aragti ay wada aaminsan yihiin RW Kheyre iyo MW Farmaajo balse ay ka gaabsadeen in ay kor sheegaan.

R/wasaare ku xigeenka Xukumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya oo ka hadlay Xaflad lagu qabtay Caasimada jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in uusan qabin in dalka Fedaral lagu siiyo hayo. Waxa uu sheegay Federaalku in uusan Soomaaliya u wanaagsaneeynin si uuna looga baxo.

Asigoo jees-jeesaya ayuu yiri’’ anigu ma aaminsani waxa la yiraahdo Federaal, Soomaaliya uma baahno,Soomaaliya dowlada aan Fedaraal ahayn ayaa ku wanaagsan’’ Hadalkaasi intii garaad laheed ee goobta joogtay aadbeey ula yaabeen,maxaa yeelay magaca uu halkaasi ku joogay waxaa uu ahaa in uu ka socday dowlada fedaraal ah oo uu matalo Fadaraalka.

Dad badan oo marti sharaf ahaa ayeey yaab iyo amakaag ku noqotay hadalka Mahad Maxamed Guulleed (Khadar ) oo ah R/wasaare ku xigeenka Xukumada federaalka ah ee Soomaaliya sababtoo ah waxaa uu noqday nin xilkiisa ka been sheegay.

Aragtidaan ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay la qabaan Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre waloow ay la gambadaan,waxaana Soomaaliya hogaan u ah dad aan ku qanacsaneeyn hanaanka dalku ku sugan yahay. Dagalaada Ka socda dowlad goboleedyadana waxa ay qayb ka tahay qorshaha guud ee la doonayo in lagu burburiyo fedaraalka.