9 ka mid ah illaalada Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaqada laga ceyriyay, kuwaasi oo lagu arkay iyaga oo dhex jooga xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir.
Ilo wareedyo ay heshay MOL ayaa sheegaya ku dhawaad 9 ruux oo ka tirsanaa illaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya in shaqada laga ceyriyay, kadib markii ay u dulqaadan waayeen hanaan bahdilaad ah oo ka taagan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraah Somaliya.
tan iyo markii uu goostay madaxii amniga Ra’iisul Wasaare Khayre Ayuub Cali Farey oo dibadda iska dhiibay, illaalada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay ahaayeen kuwa marxalado kala duwan ku shaqeynaayay, maadaama Ra’iisul Wasaaraha uu madax uga dhigay nin qaraabo dhaw ay yihiin oo aqoon badan aan u laheyn arrimaha ammaanka iyo qiimaha uu leeyahay askariga.
Qaar ka mid ah Illaalada Shaqada laga ceyriyay ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen hab dhaqan bahdilaad ah oo ka jira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, kaasi oo uu ku kacaayo madaxa amniga Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ku dhawaad 9 xubnood oo ka tirsanaa illaalada gaarka ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaqadoodii ku waayay arrimo la xiriira bahdilaad ay u dulqaadan waayeen, kuwaasi oo hadda qaarkood jooga Xafiiska Duqa Muqdisho iyo Xafiiska Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq oo inta ugu badan ay la socdaan illaaladii shaqada laga ceyriyay.
Sidoo kale waxaa hoos loo dhigay awooda shaqada madaxa Hab maamuuska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Abdifataax oo ah nin marxalado kala duwan ku soo shaqeeyay, dhawaana xilkaasi loo dhiibay, balse habdhaqanka bahdilaada ah ee Xafiiska Khayre ka jira awgiis hadda awoodiisa hoos loo dhigay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la xusuustaa sidii uu ula dhaqmay askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, xilligii Muqdisho ay ka shaqeynayeen ciidankii xasilinta ee ammaanka ka shaqeynaayay, askarigaasi oo doonaayay inuu la hadlo Ra’iisul Wasaaraha, balse si aan horay u dhicin oo madax Somaliyed waligeed aysan sameyn uu u bahdilay Ra’iisul Wasaaraha askarigaasi.