R/wasaare Kheeyre oo Xeer cusub soo saaray (Aqriso Warsaxafadeed)

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xeer ka soo saaray dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka gasho dalal ,shirkado iyo hey’addo ajnabi ah,habracaas oo loo baahan yahay inay maraan cid walba oo ka tirsan dowladda xilliyada ay heshiis galeyso.

Wasaaradaha iyo Hey’addaha dowladda ayaa waxaa ka reeban in heshiis si toos ah ama si dadban ula galaan dalal, shirkado ama hey’addo ajnabi ah, iyadoo aan la raacin tallaabooyinka ku cad farqada labaad ee qodobka.

Heshiisyada lala galayo dalal  shirkado iyo hey’addo ajnabi ah ayaa ah in la horgeeyo Golaha Wasiirada, isla markaana ka hor la soo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda waaxdeeda  sharciga iyo heshiisyada Caalamiga,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.