R/wasaare kheeyre oo Warqad in uusan Dalka Soo gali Karin ah Ka dhigay Garoonka Aadan cadde Fahad yaasiin+Jawaabtii Fahad ?

Reading Time: < 1 minute

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu kasoo jawaab celiyay warqadii kasoo baxday xafiiska Kheyre isagoo tibaaxay in uu leeyahay awood ka saraysa mid uu adeegsanayo Kheyre wuxuu sidoo kale sheegay in uu ogalaanshihiisa loogu magacaabay Xafiiska uu haatan awoodisa adeegsanayo

Hadalka Fahad Yasiin ayaa imaanaya kadib markii R/wasaare Kheyre uu soosaaray warqad uu dalka kaga mamnucayo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin taasi oo dhalisay in madmadow uu sookala dhexgalo xiriirka wada shaqeeneed ee Kheyre iyo Fahad Yaasiin.

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Kheyre ayaa Muqdiso Online u xaqiijiyay in haatan uu cirka isku sii shareerayo qilaafka ka dhex aloolsan Kheyre iyo Fahad Yaasiin waxay intaasi ku dareen in Kheyre uu doonayo in uu meesha kasaaro awooda qarsoon ee Agaasimaha Madaxtooyada kaasi oo dadka taxliiliya arimaha siyaasada soomaaliya ay qaarkood ku tilmaameen in uu yahay mid daaha gadaale ka maamula dalka xilli Fahad uu isaguna awood ka helayo Madaxweyne Farmaajo maadama Fahad Yaasiin uu qeeyb ka ahaa dadkii u ololeeyay in Farmaajo uu ku Guuleeysto Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya