shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Gal-mudug ee dhawaan lagusoo xiray dhuusa-mareeb waxaa ka qeeyb galay odayaasha dhaqanka beelaha,iyagoo kulamo gooni gooni ahna la qaatay R/wasaare kheeyre Kaasi oo balanqaadyo kala duwan u sameeyay.
Xog-hoose oo ay heshay MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay muujineeysaa in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo balankii iyo heshiisyadii uu dhuusa-mareeb kula soo galay Odayaasha dhaqanka beesha Waceeysle uu ka baxay islamarkaana uu irdaha ka xirtay.
Odayaasha Qaarkood ayaan kasoo xiganay in ay kusoo heshiiyeen R/wsaaraha in Sedaxda Xil ee sare ee Gal-mudug mid ka mid ah la cadeeyo in aysan u tartami karin shaqsi aan u dhalan Beesha Waceeysle sidoo Xildhibaanada loo badiyo oo lasiiyo ugu yaraan 12-Xildhibaan.
R/wasaare kheeyre ayaa ku qanciyay Odayaasha in uu dhameeyn doono Heshiisyadooda hadii uu ku laabto Xamar,asigoo markaasi ka dalbaday in ay ka qeeyb galaan shirka dib u heshiisiinta,Hase’yeeshee markii lasoo xiray shirka ayaa ugu war-dambeeysay odayaasha R/wasaare Kheeyre.
Balan ka baxaasi ayaa waxaa uu sababay in Odayaasha dhaqanka Waceeysle ay isku raacaan in aysan ka qeeyb-galeeynin dhameeystirka Gal-mudugta Cusub, oo aysan qeeyb ka aheeyn.
Dad badan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in R/wasaare kheeyre uusan ka shaqeeyneeynin dhismaha Gal-mudug in uu sii kala irdheeyo mooyee.