Xili Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Ku Sugan Dalka Itopia ayaa waxa la soo sheegayaa inuusan helin Hab Maamuus Diplomasiyadeed Sababtuna waxay tahay Safarka Xasan Cali Kheyre oo uu ahaa mid Degdeg ah,islamarkaana aan sidaas loogu sii wargalin R/wasaaraha Itoobiya.
Dowlada itopia waxay diirada saartay Sidii ay ku maamuusi lahayd Madaxweynaha Dalka Ruwand Paul Kigamp oo isna Safar marti ku ah Itopia Page-ka wasaarada arimaha dibadda ee Itopia kaliya waxa lagu daabacay Safarka Madaxweynaha Ruwand Lkn laguma daabicin Safarka Xasan Cali Kheyre.
Xukuumada Muqdisho waxaysan ku qanacsanayn Qorshaha iyo siyaasada cusub ee itopia ay ula saaxiibtay Sacuudiga iyo Imaaraatka,waxaana sidii aan horay idinkugu soo baahinayba la filayaa in wada xaajood laga furo adis-abab
Xukuumada Adis Ababana Waxaysan ku qanacsanayn Qorshaha iyo Siyaasada cusub ee Soomaaliya Khilaafka Khaliij Ay ka qaadatay waayo itopia Qadar waxay u haysataa inay cadaw ku tahay oo waxay aaminsanatahay dagaalkii itopia iyo Ereteria qadar inay u hiilisay eriteria.
Hadaba waxaynu Sugnaaba Xasan Cali Kheyre Safarkiisa waxa uu kala soo laabto,iyo sidoo kale waji-gabaxa uu kalasoo kulmay qaaab uu u dabooli doono.