Xasan Cali Kheyre Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in wali dalka Soomaaliya ay ka jiraan dad la qabsaday dhaqankii 30-kii sano la soo dhaafay dalka ka jiray,wuxuuna sheegay iney isku badaleen Af ku dhiiglayaal,Jeeb ku dhiigalayaal,Qallin ku dhiiglayaal,wuxuu isku bedelay Uur ku dhiiglayaa,hadalkaan waa markii labaad oo uu sheego.
Ra’iisal wasaare Kheyre shacabka Soomaaliyeed waxuu ka dalbaday iney dalka usoo istaagaan,islamarkaana ka bataan dadkaasi uu soo sheegay in meesha looga saaro.
Xasan Cali Kheyre oo maanta dhalinyaro Soomaaliyeed kula hadlayay magaalada Garowe ayaa hoosta ka xariiqay iney soo baxeen dhaqan cusub oo ay wadaan dad dano gaar ah ka leh dalka oo ugu yeeray labo dan leh “ Amma Laba Afle”,wuxuuna dhalinyarada ku booriyay iney ka soo horjeestaan una midoobaan dadkaasi.
Hadalkaan R/wasaare Xassan Cali Kheeyre Sheegay waxaa uu kusoo laabanayaa asiga sababatoo ah,waxuu ku hadlaa warar isburinaayo