R/wasaare Kheeyre oo mar kale Damacsan  in uu isku-shaandheeyo Golaha Wasiiradda iyo Xubno Kooxda Qiyaano Qaran Kabiiro u ah  oo Daaqada laga Bixin rabo.

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo ay Muqdisho online ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in R/wasaaraha Xukumadda Soomaaliya uu damacsan yahay in uu mar kale isku-shaandheeyn ku sameeyo golaha wasiiradda Xukumadiisa kuwaasi oo uu qaarkood ku kalsooni qabi la’a.

Wasiiradda la filaayo in ay daaqada ka baxaan ayaa waxaa qeeyb ka ah kuwa hadda is-mooda in ay yihiin amiiradda kooxda Qiyaano qaran hase’yeeshee R/wasaare kheeyre ayaana Aqoon saaxiibtinimo sida ay qabaan dad badan oo lasoo shaqeeyay waxaana la hubaa hadii uu tiisa kaa waayo ku jalaafeeynaayo.

Xubnaha iskushaandheeynta lagu diri rabo ayaa la xaqiijiyay sababta looga reebay Wasiiradii dhawaan lagu dhawaaqay  ay aheed in laga cabsaday ineey sameeyaan godood dhanka baarlamaanka ah hase’yeeshee waxaa uu hadda helay 11-Xubnood oo xildhibaano ah kuwaasi oo la hubo in uu difaac ka dhigan doono.

R/wasaare xassan cali kheeyre ayaa waxaa la aaminsan yahay in uu shaqada ugu badan galiyay sidii uu u abuuri lahaa xiisad cusub taas oo lagu jahwareerinaayo Bulshadda,si aysan u garan boobka dahsoon ee uu dalka ku haayo.