R/wsaaraha Xukumadda Federaalka ah ee soomaaliya oo inta badan qaato go’aano deg Deg ka muuqdo ayaa lagusoo waramayaa in uu qorsheeynaayo qaadashada talaabo uusan ku farxin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xafiiska R/wasaare xassan cali kheeyre ayaa laga soo abaabulaya qorshe loogu ololeeynaayo shaqsi uusan rabin Madaxweynaha kaasi oo lala doonaayo Gudoomiyaha Golaha shacabka
Muqdisho online ayeey u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska R/wasaare kheeyre in Madaxweynahu uu u yeeray Kheeyre ka dibna uu ku amray in uu joojiyo ololaha shaqsigaasi
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu doonaya Xassan Cali Kheeyre in uu soo saaro, hase”yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa arinkaani diidan
Waa wax si weeyn looga xumaado in hogaankii dalka ugu sareeyay in uu isku qabsado ololaha shaqsiyaad dano gaar ah laga leeyahay.