R/wasaare Kheeyre oo lagu Eedeeyay in uu Hurinaayo Khilaaf Horleh oo ka Curtay Galmudug!!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Maxamed Xassan geelle oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo u mar-walbo curinaayo Colaad ka dhex aloolsanto Madaxda Maamulka Galmudug

Khilaafka Maamulka Galmudug ayuu sheegay in loo baahan in loo xaliyo iyo garaadleh islamarkaana aan talo laga sugin R/wasaare xassan cali kheeyre iyo kooxdiisa

”waxaan ognahay in dalkaan xaalad adag soo maray,r/wasaarahu colaad iyo fidno uunbuu rabaa in uu kasii huriyo Galmudug”Sidaasi waxaa Yiri Xildhibaan Geelle

Khilaaf aan wali xal rasmi ah laga gaarin ayaa waxaa uu ka taagan yahay Madaxda Sare Ee Maamulka Galmudug,dowladda dhexe ayaana lagu eedeeyay in ay hurineeyso Khilaafkaasi