Maalmo ka hor Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay Golaha shacabka ka sheegeen in ay fashilantay Xukumadda R/wasaare Kheeyre iyagoo dalbaday in la horkeeno si ay Su’aalo u weeydiiyaan la Xariirta Amni Xumo ay sheegeen in ay ka Jirto Gudaha Magaalada Muqdisho.
23-Xildhibaan ayaa dalbaday in R/wasaaraha la Horkeeno Mudanayaasha Baarlamaanka Islamarkaana uu soo wato shaqsi walbo oo dhinaca amniga u qaabilsan,Xildhibaana ayaa mooshinkooda ku saleeyay in Xukumada lala Xisaabtamo.
Guddiyada Difaaca iyo Amniga Golaha Shacabka ayaa loo xilsaaray arinkaan si warbixin waafi ah ay ugu keenaaan,sida uu horay u shaaciyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan
Doodii 3-maalmood ee lasoo dhaafay Xarunta Golaha shacabka ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka oo aheed mid aad xasaasi u aheed ayaa waxaa la sheegay in Eeda inta badan lagu saaray R/wasaaraha
Mooshinkaan ayaa waxaa laga yabaa in uu isku rogo,mid Culus oo si toos ah R/wasaaraha lagu wajaho sida ay qabaan Dadka siyaasada wax ka qoro