Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.
Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka degan yahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu la yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibadda Axmed Ciisa Cawad iyo wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.
Madaxda Bangiga horumarinta Islaamka ayuu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.