Iyadoo uu si dardar leh ku socdo Musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta ka jirta Xafiiska R/wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa lagusoo waramayaa in Kullan Gooni ah oo ka dhacay Xarunta madaxtooyadda lagu Gorfeeyay Arimo dhowr ah oo labadda dhinac ay isla soo hadal qaadeen
Xassan Cali Kheeyre ayaa waxaa uu la kulmay Odayaasha iyo Kaabo qabiilada Beesha Habar-gidir kuwaasi oo uu siiyay lacago aad u fara-badan una balanqaaday in uu siin doono mushaar joogto ah oo bille ah,waxaa uu daneeynayaa in ay Difaac u noqdaan oo ay ka waabiyaan Culeeys uga imaanaya qaar ka mid ah Siyaasiinta Beesha.
Odayaasha iyo Kaaba-qabiilada uu la kulmay R/wasaare Kheeyre oo ahaa kuwa lasoo xulay islamarkaana laga soo dhaadhiciyay Barnaamijka ayaa ogolaaday arinkaani,waxeeyna tani la micno tahay in tahay in la iibiyay damiirkii dadnimo.
Waxaa nasiib daro in Madaxdii dalka ay ku mashquulaan arimo Qabiilada iyagoo dayacay Masuuliayadii Dalkaaan ka Saarneed,waxeeynta arintaani Niyad jab ku noqoneeysaa dadka soomaaliyeed ee ku nooloonaayay in ay dalkaan Samata-bixiyaan.