Warar hoose oo ay heleyso MUQDISHO ONLINE yaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu qaati ka taagan yahay Fara galin uu ku hayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Duqa Muqdisho ayaa ka cabanaya inuu shaqadiisa inta badan go’aano ka gaaro Ra’iisul wasaaraha, isla markaana uu isaga kusoo wargaliyo fulinta amaradaasi taasoo uu ku sheegay inay tahay bahdil iyo awood sheegasho uu ku hayo Ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi wuxuu galangal iyo saameyn weyn ku dhex yeeshay howlaha ka socda dowlda hoose.
Eng Yariisow ayaa qorsheynaya inuu guddi u saaro arintan si ay usoo kala dhex galaan isaga iyo Ra’iisul wasaaraha.
Si kastaba ha ahaatee Madaxda Dalka ayaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir kaga shaki qabta inuu wada shaqeyn dhow la leeyahay Mucaaradka dowlada, waxaana xubno la shaqeeyo ay hore u gudbiyeen warbixin ay ku sheegayaan inuu xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda Muaacaradka Dowlada Federaalka.