Dhawaan hogaanka ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa waxaa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay kala dishay wariyayaasha ka howl-galo gobolka Banaadir iyo guud ahaanba dalka kuwaasi oo ay ka kala dhigtay mid ay lacag siiso iyo mid ay xabsiga dhigto.
Amuurtaasi ayaa waxaa ay noqotay mid si weeyn loo hadal haayay dhowr maalmood,
Iyadoo ay taasi jirto ayaa sida aan wararka ku heleeyno waxaa uu R/wasaare xassan cali kheeyre damacsan yahay in uu la shiro qaar ka mid ah wariyayaasha gaar ahaan kuwa u badan kuwa ka lufluf qaata xafiiskiisa si loo baabi’iyo wararkii la xariiray xasaradaani.
xassan Cali kheeyre ayaa xoogga saaro inta badan marin habaabinta bulshada asigoo u adeegsada warbaahinta iyo Baraha Bulshada waxaana hada uu damacsan yahay in uu dhamaantood afqabto sida aan xogta ku heleeyno