R/wasaare Kheeyre oo Booqday Stadium Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo hogaaminaya golihiisa wasiirada ayaa xilligan waxa ay olole nadaafadeed ka wadaan garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirradiisa ayaa nadiifinta garoonka iyagu ka qayb gaadanaya. garoonkan oo dhawaan ay isaga baxeen ciidamada AMISOM ayaa dowladdu waxa ay sheegtay in dayactir deg deg ah ay ku sameyneyso.

Isbadal ayaa durbadiiba laga dareemayaa Stadium Muqdisho, oo haddii la dayactiro kaalin weyn ka qaadan doona horumarka cayaaraha ee dalka.