R/wasaare Kheeyre oo Amray in la Beeniyo raali-gelintii Madaxweyne Farmaajo ka Bixiyay Dhiibistii Qalbi Dhagax(VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo Safar ku tagay Magaalada Asmara ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Xubno ka tirsan Jabhada ONLF,waxaana kulankaasi lagu sheegay in Farmaajo raali-gelin ka bixiyay dhiibista Qalbi Dhagax.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa R/wasaaraha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre waxaa uu amray in la beeniyo hadalkaasi ah in Madaxweyne Farmaajo bixiyay Cudur-daar la xariira dhiibistii Qalbi dhagax.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud geelle oo ku hadlaayay Afka R/wasaaraha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre  ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin wax cudur daar ah oo laga bixiyay dhiibistaasi.

Xassan cali Kheeyre ayaa waxaa uu aad  uga cabsanayaa in uu jabeyo go’aankii Dowladda Itoobiya ee ahaa in ay dalbatay Soo dhiibista C/kariin shiikh muuse qalbi dhagax iyo heshiisyadii uu la galay,taas ayaana ugu weeyn sababta Kheeyre hadalka madaxweynaha u jebinaayo.

Waxaa wax lala yaabo ah in R/wasaare uu jebiyo Hadal,madaxweyne waxaana tani ay cadeeyneeysaa khilaafka banaanka yaal ee Xassan iyo Kheeyre iyo Madaxweyne Farmaajo.