R/wasaare Kheeyre oo Afhayeenka Gobolka Banaadir u Fasaxay Shaqadii ka dib Maalmo Xayiraad la Saaray

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo ay heleyso Allmareeg ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu cafis u fidiyay Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdi Fitaax Xalane.

 

Cabdi fitaax Cumar Xalane ayaa xabsi guri laga dhigay ka dib markii uu Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay inuu dayacay masuuliyad laga doonayay inuu kula xisaabtamo wariyeyaal uu u yeeray.

Xalane ayaa isugu yeeray qaar ka mid ah saxafiyiinta Muqdisho iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu doonayay inuu la hadlo Ciidanka loo diyaariyay inay amniga sugaan Bishan Ramadaan.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka carooday in baraha Bulshada lagu faafiyay cod uu ku canaanayo Askari ka tirsan Ciidanka Xasilinta oo Kheyre oo hadlayo hadalka ka dhex galay, iyadoo Ra’iisul wasaaraha oo taasi ka carooday wuxuuna hadalo bahdilaad u badan ku yiri Askariga, waxaana aad kaga xumaaday hab dhaqankaasi Shacabka Soomaaliyeed.

 

Cabdi fitaax Cumar Xalane ayaa Xildhibaano iyo Wasiiro usoo diray Ra’iisul wasaaraha waxayna ku qanciyeen inuu iska cafiyo oo xabsi guriga laga saaro, waana lagu guuleystay.