R/wasaare Kheeyre oo Adis Ababa Ku Wajahan Iyo Itoobiya oo laga rabo inay Maamul Goboleedka xiirirka u jarto, dhex dhexaadisana Imaaraatka Iyo Dowladda Farmaajo!!

Reading Time: 2 minutes

Sida aan Wararka Ku heleyno Ra’iisul Wasaare Xassan Cali  Kheyre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,halkaas oo lagu wado in dowladda Itoobiya ku qanciyo in ay dhexdhexaadiso colaada Soomaaliya iyo Imaaraadka, hasa yeeshee xaqiiqda dhabta ahi waxay sheegeysaa in dawladda looga daran yahay Imaaraadka oo ay Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas uga dacwooneyso Itoobiya inay xiriirka u goyso. Wararka Adis laga helayo ayaa xaqiijinaya in dawladdu ay aad uga xumaatay booqashada uu Axmed Madoobe ku tagay Adis Abeba ka hor RW Kheyre Iyo MW Farmajo.

Muqdisho Online ayaa horay waxaa ay u baahisay in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre iyo Madaxweyne Farmaajo iney ku Loolamayaan hanashada dowladda Itoobiya,taasi oo ay markaan daneynayaan saaxiibtinimadeeda, iyo inay xiriirka u jarto maamul goboleedyada.

Dowladda Qatar safar uu dhawaan ku tegay Madaxweyne Farmaajo aya waxa uu kala soo kulmay guuldarro kadib markii ay wadamada Ingiriiska iyo Mareykanka ay ku cadaadiyeen dalka Qatar in anu siin Madaxweyne Farmaajo lacag kaash ah,taasi oo looga baqay in uu si gooni ah u leexsado

Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre ayaa markaan waxaa ay noqoneeysaa mid laba dhinac,waxaana la saadaalinayaa in Khilaaf cusub uu ka dhex curan doono.

Safarka RW Kheyre ayaa imaanaya maalmo kadib markii Addis Ababa ay safar ku tageen Wasiirka Arrimaha dibadda  Axmed Ciise Cawad ,Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Xaaji yaasiin iyo la taliyaha Farmaajo ee siyaasadda, Hasa yeshee ay ku guuldarreysteen inay Itoobiya ka dhaadhiciyaan Axmed Madoobe siddey rabaan inay ka yeelaan. Waxaan la ogyen Waxa uu Kheyre kala soo Kulmi doono safarkan, horseedkiisii uu soo guuldarreystay.