R/wasaare Dr Abiy Axmed Oo Ku Dhawaaqay Golaha Cusub Ee Wasiirada Dalka Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Dr. Abiy Axmed ayaa 20 xubnood oo cusub u magacaabay wasaaradaha kala duwan ee dalka Itoobiya, waxaana uu ku dhawaaqay in la dhiman Wasiiradii tiradda badnaa ee Itoobiya.

Golaha Wakiillada ayaa ansixiyay dhammaan magacaabidda golaha Wasiiradda cusub.

9 haween ah ayaa ka mid ah Wasiiradda uu ku dhawaaqay Abiy Axmed, waana markii ugu horreysay oo qoondo intaasi la eg ay heli lahaan Haweenka Itoobiya.

Dumarkaas waxaa ka mid ah Caasha Maxamed oo loo magacaabay wasaaradda gaashaan dhigga, taas oo noqon doonta qofkii u horreeyay ee dumar ah ee jagadaas ka qabta Itoobiya.

Muferiat Kemil oo shantii bilood ee la soo dhaafay ahayd afhayeenka baarlamaanka ayaa loo magacaabay wasiiradda nabadda, waana wasaarad cusub oo aan horay u sii jiri jirin.

Axmed Shide oo Soomaali ah horayna dalka Itoobiya kaga soo qabtay Wasaarado kala duwan ayaa loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda.
  1. Wasiirka Nabadda — Mrs Mulietat Kamil
  2. Wasiirka Gaashaandhigga —Aaliha Muhammad
  3. Wasiirka Maaliyadda — Ahmed Shide
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda — Dr. Geeljeex
  5. Wasiirka Beeraha Mudane Cumar Xuseen

6.  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Mrs. Fetel Walte

7. Wasiirka Dhaqaalaha —– Mrs. Dawanne Herbie

8.Wasaaradda Waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda — Dr. Getahun Mekuria

  1. Wasiirka Gaadiidka —— Mrs. Dagmominthew Patrick
  2. Wasiirka Horumarinta & dhismaha magaalooyinka —– Mr. Janet Braye
  3. Biyaha, waraabka iyo warshadaha tamarta —– Sileshi Bekele
  4. Wasiirka Waxbarashada —— Dr. Tilaye Gete
  5. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta —— Dr. Samuel Hurco
  6. Sarkaalka Golaha Guud —– Berhanu Tsegaye
  7. Wasiirka Caafimaadka—— Dr. Amir Aman
  8. Sayniska iyo Waxbarashada Sare: Mr. Hirut Woldemamar
  9. Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada, Mrs. Woizam Taye Asfaw
  10. Wasiirka Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Mr. Mulugeta Tesfaye
  11. Wasiirka Dhaqanka Mudane—- Dr. Hirut Kassa
  12. Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta iyo Horumarinta ——– Dr. Fitsem Assefa