R/wasaare Abiy Axmed Oo Ka Sheegay Hadalka Ka Farxiyay Shacabka Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abey Axmed Ayaa Ku Dhawaaqay Inay Shacabka Kililka Shanaad ee Soomaalida  Xor yahiin lagana Daayo cabudhinta Iyo cago Jug Layn,Waxaana uu Tilmaamay Inay Itoobiya  Dib Looga Dhaqan Galinayo Xoriyada Hadalka oo in badan Dadka Itoobiya Haystey.

Abey Axmed oo Dhawaan Ka Hadlay Adis Sababa Ayaa Tusaale usoo Qaatay Dalka Ereteriya  waxaana uu Yiyi”Ereteriya Way Inaga Goday Colaad Dheer Ayaana Inaga Dhaxaysey,Maxaynu ka Dhaxalnay Go’itaankii Ma Faa’ido Ayaan ka Dhaxalnay Mise Qasaare Ayaan Ka Dhaxalnay”

Mar Kale Ayuu Sii Hadlay Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Uu ka Hadlay  Xabad Joojinta  ONLF Iyo inay Shir Dib Ugu Qabsadaan Adis Sababa waxaana uu Ku Tilmaamay Mid Muujinaya Inay Colaada Dadka Sii kala Fogayso Balse Aysan Cid Isku Soodhaweyn Marna Shacabka Itoobiyana Ana Lagu Colaadin Doonin Cid ka Mid Ah Hadal Ama Fikrad Qof uu gaar U Sheegay,Isagoo Ka Hadlay TV ga Dalkaasi Waxaa uu Sheegay In Looga Bahan Yahay Cid Kasta oo mucaarad Ku Ah Siyaasada Itoobiya Inaysan Cadow Ku noqon dalkooda Sida uu hadalka u Dhigay.

Abey Axmed Raysal wasaaraha Itoobiya Ayaa Sheegay In Shacabka Soomaalida Iyo ONLF lagu Colaadiyey Wax Ay tabanayeen Hadana Deegaanka Laga Dhaqan galin Doono Xoriyada Hadalka.

Maal Mahii Ugu danbeeyey waxaa  Jigjiga  Ku Qulqulayey  Mucaaradka Itoobiya Iyo Xukumadii Hore ee cabdi maxamud Cumar Kuwaasi oo u Muuqda Inay Hada Si nabad Ah Deegaanka Ugu Laabanayaan.