R/wasaare Abiy Ahmed oo u ololeeynaayo sidii Itoobiya uga guuri laheed nidaamka federaalka

Reading Time: < 1 minute

R/wasaare Abiy Ahmed oo u ololeeynaayo sidii Itoobiya uga  guuri laheed  nidaamka federaalka

Sida lagasoo xigtay saraakiil sar sare oo ka tirsan xafiiska R/wasaaraha Itoobiya Abiy ahmed Ali waxaa la qorsheeynayaa in la baabi’iyo nidaamka federaaliisimka dalkaasi kaasi oo soo jiray tan iyo sanadkii 1991-dii.

Guddi ayaa loo saaray arinkaani kuwaasi oo daraasaad kusoo sameeynaayo qaabka ugu wanaagsan ee nidaamkaani looga bixi karaayo sida lagu cadeeyay Document-yo laga helay xafiiska R/wasaaraha dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa waxaa ay ka kooban tahay 9-Gobol kuwaasi oo qowmiyado ah islamarkaana leh nidaamyo u sameeysan sidii qaab dowli ah waxeeyna leeyihiin ciidamo iyo astaamo.

Meles Zenawi ayaa arinkaani jideeyay ka dib markii dalka itoobiya uu ka bixiwaayay is qab qabsi siyaasadeed kaasi oo sababay in la raadiyo xalkii looga gudbi lahaa oo loo yagleeli lahaa dowlad loo dhan yahay taasi oo ay ku qanci karaa shacabka reer itoobiya

Hadii ay dhacdo in dowladda itoobiya ay ka baxdo qaabka federaalka soomaaliya maxay ka baran kartaa