R/Wasaaraha Itoobiya oo Caddeeyey Sir kaa Qarsooneyd-Akhriso

Reading Time: 2 minutes

R/Wasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayey madasha Davos oo sannadkiiba mar la qabto loogan hadlo arrimaha ganacsiga adduunyada ayaa halkaas ka sheegay inuu aaminsan yahay -horayna u bilaabay hawshaan- in waddamada dhaca geeska Afrika ay Khasab ku tahay inay hal dowlad noqdaan oo aan loo baahnayn inay danjirayaal kala duwan ku yeeshaan dunida.

R/W waxaa uu yiri “Dhaqaalaheena waa inaan gelinaa dadkenna looma baahna inaan danjirayaal kala duwan yeeshaan dalalka Jibuuti, Itoobiya iyo Erateriya”. Marka Bannaanka lagu weydiiyey maxaad Somaliya uga reebtayna waxaa uu yiri “ Somaliya waxay ka mid tahay  Itoobiya wax yar oo tekniliti ah ayaa dhiman ee Farmajo waan isku afgarannay arrinkaan.”

Dalka Itoobiya waligeed  waxay aaminsanayd inay isku ballaariso geeska Afrika. Arrinkaan  ayaan mid hadda ku cusub ku ahayn dadka taariikhda akhriya inay rabto  Itoobiya inay liqdo dadyowga geeska Afrika.

Hadalka R/ Wasaraha  Itoobya waxaa ka muuqda in halkaas uu u tagay inuu waddamada dunida ee dhaqaalaha leh  ka dhaadhicyo in Itoobiya ay waddo qorsho ay kula wareegeyso waddamada geeska Afrika dhaca sida Ereteriya, Jibuuti iyo Somaliya oo uu iyada u haysto inay nus ka mid ahba ay la wareegeen maadaama uu haysto Farmajo oo ay isku afgarteen arrinkaas.

R/Wasaaraha ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu xoog u wado arrimahan, una xilsaaray koox khubaro ah oo soo dejisa sida ugu fudud ee loola wareegi karo waddamaadaan. DR. Abiy waxaa uu aaminsan yahay in dalalkan ay hal dal isku yihiin oo qabiilada Somalida iyo kuwa Erateriya ay yihiin qowmiyado  ka tirsan dalkooda ee aysan ahayn qaramo madax bannaan.

Horaba waxaa Farmajo maahsane looga saxexay heshiis is dhaxgal loogu yeeray oo uusan qofna klaa tashan oo usan xataa ogeyn cawaaqibka ka dhalan kara.

Mar aa naan weydiinay mid kamid ah kuwa isaga ka ag dhow ee uu la taliyayaasha ugu yeero wuxu MOL u sheegay inuusan wax talo ah qaadanin, xataa haddii uu kuu yeero si saani ah kuuma dhageysan karo ee waa inta ku bood inta ku bood.

Dhinaca kale,  waxaa horaba qas loogu bilaabay kililka 5aad ee Somalidu degto oo hadda laga dhigay meel rabshado riman si looga wareejiyo is xukunka oo loo hoosgeeyo Adis Abeba.

Waxaa wax laga xumaado ah in Jinsiga Somaliga uusan ku baraarugsaneyn in taariikhda ay u wado inay noqdaan qowmiyada ee  aan noqon Karin qaran xor ah haddii arragtidan kala qeybsanaanta ay sii socoto.

Midowga ummaddan ma jirto cid si gaar ah uu ugu dan yahay waxa uu dan u yahay isirka Somaliga oo dhan meelkasta oo uu gobolka kaga sugan yahay.

Farmajo waxaa uu hadda nagu wadaa inuu gacanta noo geliyo dalka Itoobiya ka hor inta uusan kursiga ka dagin. Haddii ay dhammaan weysana loo dheereeyo muddo xileedka ku eg Febrayo 2021 iyadoo Itoobiya ay ku kaalmeyneyso si looga qaado walaayada kadibna loogu xero meher xaaraan ah oo furitaankiisu uu qori iyo xabad noqon doono.

Somalida waxaa la quman inay ka tashadaan oo ay hor iyo horraan Farmajo iska qabtaan, kadibna dhistaan dowlad dimoqraadi ah oo caddaalad ah, lana wada leeyahay.

Halkaan ka daawa Dr. abiy hadalkiisa