R/w Rooble oo kusii jeeda Magalada Baydhabo

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 5 days
1 0 hours
1 5 minutes
3 1 seconds
Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoo saacadaha soo socda tegi doona halkaas.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta mucaaradka.

Saaka ayaa waxaa Baydhabo ka socda qaban-qaabo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi la socda, waxaana Garoonka kusii qul-qulaya dadweyne farabadan oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Baydhabo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Maxamed Rooble uu ku tegayo gudaha dalka gaar ahaan Baydhabo tan iyo markii bishii September loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa saaka siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka qaarkood la dhigay Ciidamo gaar ah oo sugaya amniga, sidoo kalena baaritaano ku sameeynaya gaadiidka, isla markaana waxaa waddooyinka la suray Tabeelayaal lagu xar-dhay Sawirrada RW Maxamed  Xuseen Rooble.

Doorasho