RW Rooble oo hortagayaa Baarlamaanka JFS 9 Bisha Febraayo

Reading Time: < 1 minute

Raiisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya uu hortago 9 Bishan February si uu uga warbixiyo wixii u qabsoomay 100 ka Maalmood ee ay jirtay Xukuumadda uu hoggaamiyo.

RW Rooble ayaa lagu wadaa in uu Baarlabaanka u weydiiyo xukuumaddiisa in la siiyo muddo kordhin 1 sano ilaa 2 sano ah, iyadoo cudur daar looga dhigi doona in aan lahayn wakhti ku filan oo xukuumaddiisa ku qabato Doorasho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu shacabka Soomaaliyeed ku war-geliyey in xukuumadda oo 3 bilood jirsatay ay waxqabadkeedii 100 ka maalmood ka jeedin doonto Golaha Baarlamaanka Talaadada 9ka bisha Febraayo 2021.

R/wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in khudbadiisa uu kaga hadlo arrimaha amniga, siyaasada, dhaqaalaha, iyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.