Safiirka Kenya u fadhiya dalka Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sheegay in qurbojoogta ugu badan ee Kenyanka ah ee jooga qaarada Afrika ay ku nool yihiin dalka Soomaaliya.
Lucas Tumbo ayaa sheegay in qurbojoog Kenyan ah oo tiradoodu kor u dhaafeyso 35,000 ay howlo isugu jira xoogsi iyo ganacsiba ay ku leeyihiin kuna nool yihiin dalka Soomaaliya.
Ambbassador Tumbo oo ah general howlgab ah ayaa amaanay howlaha ay ciidamada AMISOM ka fuliyaan dalka Soomaaliya; “Amisom wax badan ayay qabatay isbedel badan ayaana muuqda,hadda inkabadan boqolkiiba sideetan Soomaalida dibada ku maqneyd way soo laabanayaan,waxaana aan ku leeyahay dalka Soomaaliya qurbojoogta Kenyanka ah ee ugu badan qaarada Afrika waxayna gaarayaan 35,000”ayuu yiri safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas Tumbo sida ay daabacday Standard Digital.
Safiirka oo faahfaahin ka bixinayay qeybaha ay ku kala nool yihiin qurbojoogta Kenyanka ah ee dalka Soomaaliya ayaa yiri; “18,000 waxay ku nool yihiin Hargeysa,10,000 Jubaland iyo 3,000 oo ku nool Muqdisho iyo weliba deegaano kale,”.
Safiirka Kenya ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku dhex shaqeeyaa xarunta Xalane ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde waxaana hadda socda dhismaha safaarada rasmiga ah ee dowlada Kenya dalka Soomaaliya ay ku leedahay iyadoo la qorsheynayo in labada bilood ee soo socota la dhamaystiri doono dhismaha safaarada.