Qunsulka Cusub ee Itoobiya usoo magacaawday Soomaaliland oo Hargeeysa gaaray (AQRISO)

Reading Time: < 1 minute

Sida aan wararka ku heleeyno  qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble ayaa gaaray Magaalada Hargeeysa ee xarunta Maamulkaasi

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya kama aysan hadlin imaanshaha qunsulka cusub, laakiin warar aa helnay ayaa xaqiijiyay in Shamsudiin uu arbacadii ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Shamsudiin Axmed Rooble  Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal.

Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga soo noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala

Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u jooga Hargeysa