Waxa isa soo taraya walwalka laga qabo in Soomaaliya ay dib ugu noqoto gacanta kooxaha xag jirka ah. Dalka Mareykanka oo dhaqaale iyo dad badan uga dhinteen xureeynta dalka Ciraaq aya waxa dib u qabsatay kooxda lagu magacaabo ISIS. Qabsashada ISIS ee Iraq aya ka danbeeysay qaladaad badan oo sameeysay dowladda uu madaxda ka ahaa Ra’isal Wasaare Al Maliki. Kooxda ISIS ayaa si aan la filaynin u qabsatay guud ahaan dalka Ciraaq Inta aan ka ahaynin Magaalada Baqdaad iyo deegaanka ay degan yihiin dadka ku abtirsada qoowmiyadda Kurdiga.
Iyada oo laga cibra qaadanayo taariikhda madowga ahayd ee laga dhaxlay Ciraaq ayaa Dowladda Mareykanka ay bilaawday in ay talo ka waydiiso qubaro Mareykan ah geedi socodka Soomaaliya iyo in ay macquul tahay in ay dib ugu noqonoto dhibkii ay horay uga soo gudubtay. Waxa qubaro u dhuun-daloola xaaladda Soomaaliya ay sheegeen in Soomaaliya ku socoto wadadii Ciraaq hadii aan si deg-deg wax looga qaban xaaaladda siyaasadeed ee ka sii dareysa.
Machadka Caalamiga ee istaraatijiyaadda ee fadhigiisu yahay Magaalada Washington DC ayaa shir albaabada u xiran yihiin u qabtay aqoonyahano ku xeeldheer arimaha Geeska Africa iyo ka hortaga argagaxisadda. Qabiir ka mida aqonyahanadda ka qayb galay shirkaas waxna ka dhiga Jamacad ku taala gobolka North Carolina aya sheegay in shacabka Magaalada Muqadishu ay bixiyaan canshuur taas oo ay ka qaataan kooxda Al Shabab.. Waxa uu yiri “Waxa iska cad in kooxaha xag jirka ah ay awoodoodii sii kordheyso maalinba maalinta ka danbeeysa taasna waxa ay astaan u tahay in kooxaha argagaxidda ay heystaan Ilo dhaqaale oo ay dib ugu howlgalaan Soomaaliya”.
Labo asbuuc ka hor aa ay ahayd markii warbixin ay soo saartay War Journal lagu sheegay in kooxda Al Shabab haysato ilaha dhaqaalaha dalka awoodooodana ay sii kordheyso. Aqoonyahan kale oo ka qayb galay shirka aya yiri “ Sababta ay ISIS ugu guuleysatay Ciraaq waxa ay ahayd iyada oo dabada la gashay Kooxaha Suniga ah oo dhibaato badan ka tirsanayay dowlada dhexe hadana waxa inoo muuqata in beelaha Hawiye oo degan dhulkii fadhiga u ahaa dowlad dhexe ay u arkaan Dowlada Fedaraalka cadow ku soo duulay taas oo keeni karta in ay taageeraan kooxaha xag jirka ah si ay u difaacaan danahooda,” Waxaa uu intaas uu ku daray “hadii aan isbadal siyaasadeed oo dhaqso ah ka dhicin dalka Soomaaliya waxaa macquul ah in Soomaaliya mari doonto wadadii ay martay Ciraaq, gaar ahaan waxa laga yabaa kuwii ka soo cararay dalalka Ciraaq iyo Siiriya in ay Soomaaliya gabbed u yimaadaan”