Qoyska Marxuum Gen. Abshir Muuse oo Qeylo dhaan culus kasoo saaray Guri ay ka heysato Khadiijo Diiriye

Reading Time: < 1 minute

Qoyska Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Abshir Muuse ayaa mar kale warbaahinta la hadlay iyadoo sheegay in Khariijo Maxmed Diiriye oo wasiir iyo xildhibaan ka ahdoladda Federaalka ay muddo 4 sano xoog ku heysto Guri uu leeyahay Maxamed Abshir.

“Waxaan rabaa in Umadda Soomaaliyeed aan u sheego inay Khadiijo Maxamed Diiriye ku been abuuratay Gen. Maxamed Abshir isagoo Qabri ku jira.. Waxay tiri Khadiijo waxaan la kulmay Maxamed Abshir, wuxuuna igu yiri: adigaan wakiil kaa dhiganayaa… waxba kama jiraan” ayuu yiri Cusmaan Maxamed Abshir.

Wuxuu codsi u diray madaxda dowladda iyo maamulka Gobolka Banadir inay arrintan soo farageliyaan oo ay guryahooda uga saaraan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Mahad Cabdalla Cawad oo xitaa ka diiday inay Guryahooda uga baxaan oo ay ka cafinayaan ijaarkii lagu lahaa.

Dhinaca kale Nabadoonka, waxgarad iyo wakiilka Qoyska Gen. Maxamed Abshir ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya inay Gurigooda uga saaraan Khadiijo Maxamed Diiriye ay diiday amar maxkamadda, iyadoo heysata xasaanad wasiir iyo mid xildhibaan, awoodka ka heysta Madaxweyne Farmaajo.

Waxay beeniyeen warka kasoo yeeray Khadiijo Maxamed Diiriye warka ay ka sheegtay Gen. Maxamed Abshir oo ay sheegeen inay muddo 10 sano ah ka hor uu ahaa qof xanuunsan oo aan heshiis geli karin.