Ilaa 200 oo milyan oo lacagta maraykna ayaa magdhow ahaan loo siin karay qoysaska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee lagu dilay ama lagu dhaawacay Soomaaliya tan iyo 2007-dii, taasoo lagu dallacay howlgalka nabad ilaalinta ee ugu dhimashada badan caalamka.
In ka badan $175 milyan oo lacagtan ka mid ah ayaa ku baxday magdhowga qoysaska askarta looga dilay dagaalka, iyo 15 milyan oo kale oo la siiyay kuwa ku dhaawacmay ama ku naafoobay howlgalka lagu cirib tirayo kooxda xagjirka ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka kala socda dalalka Kenya, Uganda, Burundi iyo Ethiopia ay ku dhinteen Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku guda jira howlgal nabadeed oo dhiig badan ku daatay, kuwaasoo aan weli laga gaarin natiijooyinkii loogu talagalay.
Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee kabo gasha sanadii 2007-dii iyaga oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom), kaas oo isu beddelay howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (Atmis) bishii Abriil 2022.
Dadka masaakiinta ah ee Soomaalida iyaguna uu dhibka ka soo gaaray howlgalada AMISOM/ATMIS ee Soomaaliya ayaan wax dhaqaale ah oo magdhaw xoogan ah aan la siinin.