Dowladda Kenya ayaa dib u dajin u sameysay Qoysas ka soo barakacay xasuuqa ay Ciidamada Ethiopia ka geyteen degaanka Mooyaale ee xaduudka dalalka Ethiopia iyo Kenya.
Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa sheegtay in ay qaabishay illaa iyo 2000 oo Qoys oo ka soo cararay dhibaatooyinka Ciidamada Ethiopia ay ka ka wadaan deegankaasi Mooyaale
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in dadkaasi ay kala dajisay illaaa iyo Afar goobood oo kala duwan oo ay u kala qeybiyeen dadkaasi .
Sidoo kale hay’adad Bisha Cas ayaa xustay in ay isa soo tarayaan maalinba maalinta ka dambeysa dadka ka soo barakacaya deegaanka Mooyale ee soo gaaraya Kenya .
Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamada militariga Ethiopia ay deegaankaasi ku dilin 9 Qof oo Rayid ahaa, halka 12 kalena ay dhawaacayeen.