Qoys wadar ah oo si arxan daro ah loogu dilay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ari Qaruuf oo u dhow degaanka Milixle oo hoostaga degmada Ballanballe oo katirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu dilay Ruux oo isku qoys ahaa, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay u tageen Qoys ku noolaa degaanka Ari Qaruuf, isla markaana kamid ah qoyskaas oo Xoolo dhaqato ahaa ay dileen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal soo laab laabtay oo ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta iyo laamaha Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin dilka Maanta loo geytay ruux ee isku qoyska ah, hayeeshee saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Galmudug ay sheegeen inay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo.

Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug ayaa Bishii Maarso ee 12-keedii ee sanadkan deegaanka Xirsi lugeey ee duleedka Degmada Balanbal ku qabatay shir dibu heshiisiin ah, kaas oo lagu sheegay in la soo qaban dooni Cidii wax disha meel kasta oo ay tagtana loogu tagi doono.

Degaannada Maamulka Galmudug ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa aad ugu batay dagaal beeleedyada, iyada oo Madaxda Maamulka Galmudug ay u muuqdaan kuwo ku fashilmay inay wax ka qabtaan.