Qoys Soomaaliyeed oo si arxan-la’aan-ah loogu dilay dalka-Koonfur-Afrika

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada Rusterburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay kooxo burcad hubeysan weerar ku qaadeen dukaan ganacsato Soomaaliyeed ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo No-9.

Burcada hubeysan ayaa la sheegay in markii dukaanka galeen durba rasaas ku fureen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee halkaasi joogay, waxa ayna goota ku dileen labo muwaadin oo Soomaali ah .

Labada nin ee la dilay oo lagu magacaabayay Abdirahim Hassan Ali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim ayaa kala ahaa wiil iyo abtigiis, waxaana weerarkaasi ka bad baaday labo muwaadin kale oo Soomaali ah oo dukaan iyana joogay.

Burcada dilka geesatay ayaa la sheegay in goobta ka geesteen dhac, ciidamada booliiska ayaana daqiiqado badan kaddib soo gaaray dukaanka la weeraray, waxa ayna sheegeen in ay baarayaan falkan soona qaban doonaan burcada .

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay kawaan lagu laayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, mana jiro cid isweediisa dilalka arxanka daran ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesto dalkaasi.