Qorsho iyo hogaan xumi keentay in dadkii dhawacnaa aan la qaadi karin

Reading Time: < 1 minute

Hogaan xumo iyo iska warhayn la’aan ayaa keentay in diyaarad qalad ah la soo diro dadkii dhaawaca ahaa.

Takhaatiirkii la socotay diyaarada saakay timid oo la kulmay taakhaatiirtii daawaynaysay dadka dhaacawa qabay oo uh ku jiro Ingineer Yarisow ayaa loo sheegay in aan Ing. Yarisow oo dhaawac qatara qaba aan lagu qaadi karin diyaaradda la soo diray.

Sida kaliya ee lagu qaadi karo Yariisow waa iyada oo la soo diraa diyaarad nooca umbalasta ok leh kaabayaasha sida qalabka hawada dadka laga siiyo iyo amkaaniyaad kale.

taakhaatiirta ayaa isku dayayso in ay fududeeyaan qaadida Yarisow iyaga oo iticmaalayo xeelado kala duwan si aan waqti kale u lumin.

Dhanka kale waxaa iyagana xanuun la ildaran dad badan oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii shalay kuwaas oo u xayiran qaadista Yarisow.

Waxa ay taladu ku fiicnayd in diyaaradda timid lagu qaado dadka dhaawaca ah oo ay qaadi karto halka diyaarad kale loo dalbi karo injineer Yarisow.

Waxa hadda tagaan  buuq iyo iseedayn dhextaalo hogaanka Farmaajo.

Wali lama hubo in dhaawaca la qaaday iyo inkale .