Waxaa labadii asbuuc ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqadishu qorshe uu hogaanka u hayay Madaxweyne Farmaajo kaas oo la doonayay in shirwayne hordhac ah loogu qabto beelaha dega Galmudug.
Shirkaan oo uu horay u iclaamiyay Farmaajo ayaa waxaa hormuud looga dhigay Wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Maxamed Sabriye iyo la-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Cabdiraxman Macalin Baadiyow. Qorshaha ayaa ahaa in 11ka beelood ee dega deeganka Galmudug ay beel kastaa soo dirto 10 xubnood kuwaas oo qayb ka noqonaya shirka Galmudug.
Beesha Habargedir oo laga sugaayay 50 xubnood oo ka kala imaanaya shanta beelood ee beeshu ka kooban tahay ayaa diiday in ay shirkaas ergo u dirsato halka beesha Waceysle ay iyadana ka hortimid shirkaas.
Qoraalka iyo qabanqaabada shirkaas ayaa waxaa soo diyaariyay Cabdiraxmaan Baadiyow oo isaga loo magacaabay xiriirayaha shirkaas. Baadiyow oo ahaa shaqsi umaadda Soomaaliya ay ku tuhmaysay hogaan iyo dareen wadaninimo ayaa ku soo dhamaaday in uu noqdo aalad u adeega Farmaajo iyo Kheyre. Mid ka mida odoyaasha dhaqanka ayaa yiri “.. ninkii aan rajada uga qabnay in uu dalka hogaamiya ayaa hadda noqday mid sidii caruurta loo adeegsanayo oo lagu burburinay degaankii uu isaga ka soo jeeday… Ilaah baa shartiisa umaadda Soomaaliyeed u soo hormariyay”.
Wasiir Sabriye ayaa dhankiisa isku dayay in uu ku qanciyo beesha Habargedir in ay kulankaas qayb ka noqoto laakiin Wasiirku waxa uu heli waayay waxgarad uu la fariisto iskaba daa in uu ku qanciyo ka qaybgalka shirkaas.
Farmaajo ayaa ku guuleystay in uu helo afar beelood oo ogolaaday in ay ka qaybgalaan kulanka uu iclaamiyay halka todobada beelood oo kale ay ka biyo diideen ka qayb galka shirkaas.
Waxaaa muuqata in dowlada Fedaraalka ay doonayso in ay ka hortagto shirka watashiga beesha Habargedir oo lagu wado in uu ka dhaca magaalada Hobyo bartamaha bisha soo socoto. Shirkaas ayaa waxa uu culays horleh saari doonaa hogaanka Farmaajo iyo Kheyre.