Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wada qoreshe aad u cajiib ah islamarkaana uu doonayo inuu mar kale ku noqdo madaxweynaha maamulka Puntland.
Ilo ku dhow Gaas ayaa sheegaya inuu hadda maalgelinayo xildhibaano cusub oo ka mid noqon doona baarlmaanka soo socda ee Puntland, waxaana uu doonayaa inuu isaga un dib usoo laabto Shanta sano ee soo socota.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in hadda qarash badan uu ku bixianayo sidii uu mar kale u noqon lahaa madaxweynaha Puntland.
8-da January 2019 yaa la filya in magaalada Garoowe ee gobolka Nugal ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.
Siyaasiyiin badan ayaa xilkaan isku haysta, waxaana jirta rag badan oo doonaya sida naloo sheegay iney markooda xilkaan qabtaan.